Safiirka UK Ee Soomaaliya oo codsi culus hordhigtay Rooble

0

203966227 3007873109443803 4313235341133131505 N

Safiirka UK Ee Soomaaliya Kate Foster ayaa sheegtay in R/wasaare Rooble ay ka dalbadeen qoondada haweenka in aan laga yareyn 30% oo markii hore ay heysteen.

Ka qeyb galka siyaasada iyo Haweenka ayey sheegtay Danjire Foster in ay biyo kama dhibcaan tahay oo loo baahan yahay in la ilaaliyo.

Hir gelinta doorashada,taakuleynta dadka ay fatahaadu saameysay iyo qeyb siinta siyaasada doorka haweenka ayey sheegtay in Rooble kawada hadleen kulankoodii shalay ay wada qaateen.

Qoraal maanta oo isniin ah soo saartay ayey Safiirka Ingiriiska Ee Soomaaliya waxay sheegtay inay taageerada ay Xukuumada siinayaan ay kordhin doonaan si doorashada iyo howlaheeda loogu guuleysto.

UK ayaa ka mid ah dalalka dhinaca logistikada ka taageera Soomaaliya,waxayna sidoo kale tababar siisaa ciidamada Qalabka sida.