DHAGEYSO: Cali yare oo si gaar ah ubaaraya ajaanibta kasoo degeysa Aadan Cade

0

Maxresdefault

Shir looga hadlayey wada shaqeynta ay leeyihiin Laamaha amniga iyo Hay’ada Socdaal iyo Jinsiyadaha Soomaaliya ayaa ka dhacay magaalada Muqdisho.

Saraakiishii ka qeyb galay kulanka waxay ballan qaadeen inay sii joogteyn doonaan wada shaqeyntaasi.

Gudoomiye kuxigeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay inay si gaar ah ugu sameyn doonaan baaritaan dadka Ajaanibta ah ee soo galaya dalka.

Cali Cabdi Wardheere waxa uu tibaaxay in markii dadka Ajaanibta ah ay kasoo degaan garoonka diyaradaha Muqdisho la baaro ka hor inta aan magaalada loo soo fasaxin.


Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Duraan Axmed Faarax ayaa bogaadiyey shaqada ay Qaranka uhayaan Hay’ada Socdaal iyo Jinsiyadaha Soomaaliya.

Iyadoo lagu amaanay sidaas Hay’ada Socdaalka hadana dadka qaar ayaa cabasho ka qaba sida ay ku heli lahaayeen oo ay dhib badan ka maraan helitaanka Baasaboorka.