DHAGEYSO: Xukuumada Oo weji kale uyeeshay Heshiiska lala galay Itoobiya

0

Capture

Wasiirka Caddaalada Xukuumada Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa degmada Waajid wuxuu kulan la qaatay dhalinyarada degmadasi isagoo ka xogwaraystay xaaladaha ay ku sugan yihiin.

Wasiirka ayaa sheegay in ay dareemayaan xaalada ay ku Nool yihiin magaalo ka go’doonsan wadooyinkii ay wax u soomaari lahaayeen isagoo ballan qaaday in xoreynta deegaanada kale ay qeyb ka noqdaan muhiim tahay.

Dhalinyarada ayaa wasiirka la wadaagay in baahida ugu weyn oo ay qabaan ay tahay inay helaan Nabad gelyada iyo xarumo ay wax ku bartaan si ay jiilka iyaga la mid ah wax u la qaybsadaan,iyaga oo muujiyey in ay dadweynaha ubaahan yihiin tacliin iyo goobo waxbarasho.

Wasiirka Caddaalada Soomaaliya  Cabduqaadir Maxamed Nuur, ayaa dhalinyarada kula dardaarmay in muhiimada ay saaraan waxbarashada oo fure u ah mustaqbalka qof waliba oo dhalinyara ah islamarkaana Dawlada la wadaagi doonaan baahiyaha ka jira deegaanka.

Sido kale Wasiirka Caddaalada iyo guddoomiyaha degmada Waajid  ayaa la kulmay odayaasha dhaqanka kulankaas oo  si weyn loogu soo hadal qaaday  caqabadaha haysta shacabka degmada ku nool iyo sidii loogu furi lahaa  wadooyinka u xiran Al-Shabaab  si ay u soo laabato   Nolosha iyo hormarka bulshada Waajid.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA