Gudoomiyihii Dhalinyarada Gobolka Hiiraan oo xalay la dilay

0

Fb Img 1624308411278

Dableey hubeysan ayaa xalay fiidkii magaalada Baledweyne ku dilay allaha u naxariistee guddoomiyihi Dhallinyarada Gobolka Hiiraan Faarax Cabdi Cali oo looyaqiinay Faarax Diir.

Dilka gudoomiyihii dhalinyarada ayaa ka dhacay maqaaxi shaaxa laga cabo oo ku taal xaafada Xaawo Taako gaar ahaan laanta Nuurxawaad waxana sidoo kale goobta lagu dhaawacay sadex qof oo kale kuwaas oo dhaawacooda la geyay isbitaalka Baledweyne iyo goobo caafimaad oo gaar loo leeyahay.

Kooxdii dilka geeysatay ayaa ka baxsaday goobta uu dilka ka dhacay waxana dilka kadib goobta tagay ciidamada dowlada.