Ismiidaamin lagu weeraray ciidanka faransiiska ee kusugan dalka Mali

0

French Troops

Ciidamada faransiiska ee kusugan dalka Mali ayaa qarax ismiidaamin ah lagu beegsaday isniintii shalay iyadoo faah faahino ay soo baxayaan.

Gaari waxyaabaha qaraxa laga soo buuxiyey ayaa lagu weeraray goob ciidanka faransiiska ay kusugnaayeen waxaana ku dhaawacmay 10 qof oo Afar ay Rayid ahaayeen.

Ilaa hadda ma jirto cid sheegatay Mas’uuliyada weerarkaasi lagu qaaday ciidanka faransiiska ee Mali kusugan hayeeshee kooxda Daacish ama Al Qaacida Galbeedka Africa ayaa loo maleenayaa inay ka dambeeyeen.

Muusaa Al Muuner oo ah Duqa Magaalada Gosi ayaa sheegay in baaritaano ay socdaan qaraxaasi.