Madaxweyne Deni oo Amar dul dhigay Hay’adaha Puntaland

0

Deni 1 1 520x420

Si loo hirgeliyo awaamiir dhowr jeer lasoo saaray waxaa Puntland, markaan la dhaqan gelin doonaa Amarkaasi.

hay`adaha kala duwan Ee dowlad gobolleedka Puntland ayaa la faray iney qoraalada xafiisyada, boorarka shirarka iyo fariimaha bulshadda loo gudbinayo ku qoraan Af Soomaali, si loo hirgeliyo adeegsiga Af Soomaaliga.

Warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska Madaxweyne Siciid C/llaahi Deni oo nuqul ka mid ah ay heshay Warbaahinta Nation ayaa uqornaa sidaan:

Dastuurka Puntland Qodobkiisa 8aad ee soo baxay 15-kii December 2020-kii waxa uu dhigayey ilaalinta Af soomaaliga.

Dhamaan hay’adaha Puntland waxaa la farayaa inay si buuxda ugu dhaqmaan Adeegsiga Af soomaaliga,iyadoo loo isticmaalayo qoraalada Xafiisyada soo saaraan,Boorarka shirarka & fariimaha bulshada loo tebinayo.

Ugu dambeyn waxaa waajib ah baa la yiri in la dhaqan geliyo,sharciga ilaalinta Af soomaaliga,waxaana ku saxiixnaa Madaxweyne Siciid Deni.

Inta badan xarumaha xafiisyada ku yaalla soomaaliya waxaa lagu arkaa qoraalo luuqado shisheeye ku daabacan,iyadoo Ay yar tahay in Af soomaali lagu qoro fariimaha bulshada loo dirayo,warsaxaafadeedyada qaar iyo xilliyada shirarka ay jiraana luuqado kale lagu soo qoro.

Deni