Muqdisho oo lala mataaneenayo Magaalo ku taalla dalka Turkiga

0

Aa

Wafdi ka socday Dawladda Hoose ee Muqdisho oo uu hogaaminaayay Guddoomiye K/xigeenka howlaha guud ee Maamulka gobolka Banaadir Mudane Faarax Cabdi Diini ayaa Magaalada Konya ee dalka Turkiga kula kulmay ku-xigeenka duqa magaalada Konya Mr. Ercan Uslu,

Labda Maamul ee Konya iyo Muqdisho ayaa ka wada hadlay kor u qaadida iskaashiga, maareynta biyaha iyo uruurinta qashinka, sidoo kale fursadaha tababarada shaqaalaha gaar ahaan farsamadda gacanta ayaa kamid ahaa waxyaabihii aadka looga falanqeeyey, iyadoo ay xusid mudan tahay in kulanka intii uu socday laga mahad celiiyay mudnaanta Gaarka ah ee Madaxweyne Rajab Erdogan uu siiyay Guud ahaan Soomaaliya gaar ahaan horumarinta Wadnaha iyo hooyada umadda Soomaaliyeed Ee Caasimadda Dalka Muqdisho.

Magaalada Konya waxa ay  kamid tahay Magaooyinka ugu waaweyn Dalka Turkiga uguna taariikhaha fog,iyadoo Mas’uuliyiinta kulmay ay isku raaceen qodobadaan:

  1. Xoojinta xiriirka iyo iskaashiga cusub labada magaalo Ee Muqdisho iyo Konya.
  2. In Maareynta qashinka laga taageero Dawladda Hoose ee Xamar maadaama Maamulka Konya ay khibrad buuxda u leeyihiin hawlaha dhinacaas la xiriira, sidoo kale waxaa Muqdisho laga taageeri doonaa khubarro farsamo oo tababaro iyo hagitaan siin doono hawl wadeenadda nadaafadda Dawladda hoose ee Muqdisho.
  3. Waxaa si wadajir ah ay labada Dawlad Hoose isugu waafaqeen in la bilaabo diyaarinta mataaneynta Muqdisho iyo Konya si labada dhinac ay iskaashi iyo wada shaqeyn buuxdo u dhex marto.
  4. In si deg deg ah loo bilaabo booqasho labada maamul ay is-weydaarsanayaa taaso labada Maamul ku kala tagi doonaan Konya iyo Muqdisho.
  5. In Machadka tababaradda Konya uu gacan ka siin doono Maamulka Dawladda Hoose ee Muqdisho dhinaca tababaradda shaqaalaha isla markaana ay si toos ah u wada xiriiri doonaan hawl-wadeenada labada dhinac ee Muqdisho iyo Konya.