Taliye Fahad yaasiin oo 16 dhar cad ah ku daraya Baarlamaanka Cusub

0

Taliyaha Nabad sugida Soomaaliya Fahad Yaasiin oo sanadkaan doonaya inuu xildhibaan katirsan Golaha Shacabka noqdo ayaa waxa la sheegayaa in qorshe cusub uu dejiyey.

Fahad ayaa sheegay in sidoo kale Madaxweyne Farmaajo uu kala hadlay sidii loo soo saari lahaa xildhibaan uu helo C/llaahi Kulane oo aad looga yaqaano Hay’ada NISA ahna kuxigeenka Fahad.

Sidoo kale 16 katirsan Saraakiisha Dhar cadka ayuu Farmaajo damacsan yahay in Baarlamaanka Cusub Ee Golaha shacabka ka mid noqdaan si dadkooda iyo dalkooda ugu adeegaan.

Balse Farmaajo dib usoo laabashadiisa ayey kala shaqeyn doonaan hadii ay kuraasta xildhibaanada ay raadinayaan kusoo baxaan.