DHAGEYSO: Ganacsatada Jowhar Oo Canshuurta in laga dhimo Codsanaya

0

Jowhar 696x452

Tan iyo markii fatahaad uu sameeyey webiga shabelle bishii hore waxaa xirmay wadadii laamiga aheyd Ee Jowhar galeysay,iyadoo doon lagu gudbo meelaha qaarkood.

Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Gobolka Sh/Dhexe Ceydiid Maxamed Cabdulle ayaa sheegay in dhibaato xoogan ay wajahayaan ganacsatada Muqdisho badeecadaha ka qaadan jiray.

Waxa uu ceydiid sheegay in ay dareemayaan culeys badan oo ka dhashay fatahaada webiga ee jidka xiray isagoo maamulka ka dalbaday inay la yimaadaan canshuur dhimis loo sameeyo ganacsatada.


Badeecadaha qaar Magaalada jowhar ayaa sarakac laga dareemay isbuucyadii lasoo dhaafay kadib markii alaabaha qaarkood aysan magaaladaasi gaarin jidka oo xiran awgiis.