DHAGEYSO: Hirshabelle oo war kasoo saartay arinta fatahaada webiga

0

Iyadoo weli saameynta fatahaada webiga Shabelle uu geystay taagan tahay ayaa hadana waxaa lasoo sheegayaa in meelaha qaar biyaha ku fatahay ay yaraadeen.

Tuulooyinka Baareey iyo Mooyko oo Jowhar hoos yimaada ayaa dadka ku dhaqan ay sheegeen in ay ubaahan yihiin gurmad lala soo gaaro.

Wasiiru dowlaha Wasaarada Haweenka HirShabelle Sacdiya Maxamed Nuur ayaa sheegtay in ay Dawlada dhexe kala hadli doonaan caawinta dadkaasi.

Waxay wasiir sacdiya ugu baaqday ganacsatada iyo qurba joogta Sh/Dhexe kasoo jeeda inay ka qeyb qaataan samata bixinta dadka ay fatahaadu saameysay oo ay gar gaar lasoo gaaraan.


Sikastaba Dawlada Soomaaliya aya dhawaan diyaarad deeq mucaawino ah siday waxay ka dejisey Jowhar iyadoo aysan ku filneyn sida la sheegay deeqdaasi.