DHAGEYSO: Xukuumada oo iska fogeysay eedeyn culus oo loo soo jeediyey

0

Kkkklogo Wasarrda

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Waxbarashada Dawlada Soomaaliya C/raxmaan Maxamuud Cabdulle Jaabir ayaa waxba kama jiraan ku sheegay in si cadaalad aheyn loo saxay imtixaanka.

Waxa uu sheegay in ardayda shahaadiga imtixaankiisa galeysay sanadkaan ay ku qiimeeyeen keliya qof walbo iyo dedaalkii uu la yimid aqoontiisa.

Wasiir Jaabir ayaa dhanka kale sheegay in Wasaarada waxbarashada ay tiigsaneyso tayeynta Waxbarashada iyo sidii dalalka kale ardayda Soomaaliyeed markii ay jaamacad u aadaan ugu fashilmi laheyn ay ku dedaalayaan.


Sanadkii lasoo dhaafay Arday badan haba ahaadaane kuwo wax ku baranayey Gobolka Banaadir ayaa ku dhacay Imtixaankii shahaadiga ahaa ay galeen.