Dhul gariir ku dhuftay Peru oo dadkii iyagoo qaawan banaanka usoo baxeen

0

Peru Earthquake August 2007 2012 01 30 0

Kooxaha bad baadada qaabilsan ayaa waxay weli ku mashquulsan yihiin dad laga cabsi qabo inay ku hoos jiraan dhismayaal dumay kadib dhul gariirkii ku dhuftay Dalka Peru.

Magaalada Caasimada ah ee Lima ayaa iyadoo dadka badankood jiifeen waxa la dareemay dhul gariir xoog leh oo cabirkiisa lagu sheegay 6.0 qalabka sheega xadiga dhul gariirka.

Qiyaastii dhul badkiisu yahay 33 kilomitir ayuu saameeyey dhul gariirka magaalada lagu magacaabo mala oo caasimada dalka Peru Koonfurta kaga beegan.

Weli lama sheegin tirada rasmiga ah ee ku waxyeelowday dhul gariirka balse dhimasho,dhaawac iyo bur bur hantiyeed ayuu geystay.

Muuqaalo ay baahiyeen qaar ka mid ah Telefishinada dalka Peru ayaa laga arki karay dad guryahooda dibada uga soo baxay oo dharkii hurdada ay ku jiifeen banaanka ugu soo baxay argagax ku dhacay awgiis.