DHAGEYSO: Wasiirka Ganacsiga Soomaaliya oo ballan qaad cusub sameeyey

0

Capture

Wasiirka Ganacsiga Soomaaliya Khaliif Cabdi Cumar ayaa sheegay in fursado shaqo abuur ah usameyn doonaan dadka shaqo la’aanta ku heyso Dalka.

Wasiirka oo ka hadlayey Munaasabadii lagu daah furayey Siyaasada Shaqo Abuurka Qaranka ayaa sheegay in ka wasaarad ahaan ay diyaar u yihiin sidii shaqo raadin usameyn lahaayeen.

Wasiir khaliif oo sii hadlayey ayaa cod dheer ku sheegay inay uraadinayaan maalgashadeyaal caalami ah oo soomaaliya dhaqaalahooda la yimaada si shaqo ugu helaan dadka Soomaaliyeed.


Dawlada Soomaaliya ayaa inta badan wasaaradaheeda waxaa la sheegaa in hadda lagu cadaadinayo in albaabada ufuraan dhalinyarada waxbartay si ay fursado shaqo usiiyaan,hay’ada shaqaalaha Adduunka ILO waxay sheegeysaa in heerka shaqo la’aanta dalal badan oo Afrika ku yaalla ay gaartay meeshii ugu sareysay tan iyo dilaacidii Caabuqa Covid 19.