Diyaarad ku bur burtay Kenya maanta oo dhimasho iyo dhaawac sababtay

0

806x378 Police 17 Soldiers Dead When Helicopter Crashes In Kenya 1624522651752

Sargaal Katirsan Booliska Kenya ayaa xaqiijiyey inay ku dhinteen shilkii saaka dhacay 17 askari iyadoo lix kalena ay dhaawacmeen.

Diyaarad Helocopter ah ayaa ku dhacday duleedka Deegaanka Kijaadho oo duleedka Magaalada Nairobi ku taalla.

Diyaarada ayaa waxay aheyd mid lagu tababaray ciidamo cusub iyadoo cilad qabsaday awgeed dhulka kusoo dhacday sidaasna ay ku bur burtay.

Meliteriga Kenya ayaa sidoo kale xaqiijiyey in mid ka mid ah diyaaradahooda ay bur burtay inkastoo ay ka gaabsadeen faah faahino inay bixiyaan.

Saraakiil katirsan laamaha Amaanka Kenya waxa laga soo xigtay in diyaarada ay la socdeen 23 Askari oo 17 ay dhinteen lix kalne ay dhaawacmeen.