Haweenka & Ragga Booliska Kenya oo la mamnuucay inay is guursadaan

0

119068068 Inspectorgeneral

Wasiirka arrimaha gudaha dalka Kenya, Fred Matiangi, ayaa dhawaan sheegay in ciidamada booliska laga hor istaagi doono inay haasaawaan ama isguursadan inta ay shaqada ku jiraan.

Matiangi ayaa sheegay in xeer hosaadka booliska dib u eegis lagu sameyn doono si loo dhaqan geliyo isbedellada lagu sameynayo laamaha ammaanka.

Shuruucdan cusub ayaa dhaqan geli doonto bisha soo socota ee July si wax looga qabto kiisasaka la xiriira tacadiyada galmada iyo xadgudbyadsa jinsiga ku saleysan ee saameeya booliska Kenya.

Guddi arrimahan baaritan ku samaynaya isla markaana talooyin ka bixinaya ayaa hadda qodobada xeerkan cusub ka shaqeynaya kaas oo loo gudbin doono golaha ammniga qaranka Kenya ee uu shir gudoomiyo Madaxweyne Uhuru Kenyatta.

Wasiir Matiangi ayaa sheegay in arrintan ay salka ku heyso kiisaska sii kordhaya ee tacadiyada ka dhanka ah saraakiisha ka tirsan booliska iyo sidoo kale cabashooyinka sii kordhaya ee ku saabsan tacadiyada dhanka galmada oo ay haweenka booliska kala kulman saraakiisha ka sareyso.

“Wixii hadda ka dambeeya waa mamnuuc in ciidamada booliska dhexdooda uu xiriir dhex maro ama ay is guursadaan. Haddii ay dhacdo in wax jaceyl ah u dhex maro laba askari oo boolis ah, markaasi waxay danta qasbi doontaa in midkooda uu shaqada ka tago,” ayuu yiri wasiirka.

“Waxaan qaadan doonnaa nidaam la mid ah midka ciidamada milateriga Kenya, kaasoo ka hor istaagaya askarta inay xiriir dhow wada yeeshaan ama isguursadan.”