Madaxweynihii hore ee dalka Filibiin oo saaka geeriyooday

0

5450

Saaka oo khamiis ah waxaa cusbitaal ku yaalla magaalada Manila ku geeriyooday Madaxweynihii hore ee dalka filibiin Benigno Agwiino.

Ninkaan ayaa xafiiska joogay intii udhaxeysay 2010 ilaa 2016-kii isagoo aan wax badan qaban sida dadka yaqaanay siyaasadiisa sheegaan.

Wiil uu dhalay madaxweynihii hore Dalka Filibiin oo lagu magacaabo Korasoon Agwiino ayaa sheegay in Aabihiis wax badan lagu xasuusan doono.

Wasiirka Arimaha Dibada Dalka Filibiin Tiyodoro Loksiin ayaa twitterkiisa ku daabacay in nin weyn geeridiisa ay dalka wada gaartay.