Maxaa maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho?

0

Waalidiintii Caruurtoodu Ka Maqnaayeen

Ciidamada ammaanka dawlada Soomaaliya ee kusugan magaalada muqdisho ayaa maanta ishor istaag kusameeyay banaanbax ay muqdisho kadhigi lahaayeen haweenka ey caruurtoodu kumaqanyihiin dalka ereteria halkaas oo ay dowladdu u qaadday si loogu soo tababaro.

Tiro dhowr jeer ah ayey sidaan oo kale dibad ubax usameeyeen waalidiintani ay kamaqanyihiin caruurtoodu  mana aysan helin cid jawaab siisa sida ay ku andacoonayeen.

Waxa uu kordhay walaaca ay waalidiintani qabaan kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in dhalinyaradii tababarka loo qaaday qaarkood laga dagaal geliyay wuqooyiga dalkaasi itoobiya halkaas uu ka dhacay dagaalkii udhaxeeyey ciidamada itoobiya iyo jabhadda tblf.

Ciidamada Booliska ayaa xanibay haweenka islamarkaana saxaafada udiiday inay duubaan codadka ama muuqaalada waalidiintaan oo iskugu soo baxay Isgoyska Lambar Afar Ee Magaalada Muqdisho,taas oo ugu dambeyn ay ka dareereen halkaasi.

Labo todobaad ka hor Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Cusmaan Abokor Dubbe ayaa xaqiijiyey inay ciidamo Soomaaliyeed tababar ugu maqan yihiin Ereteria balse waxa uu beeniyey wararka sheegayey in ciidan Soomaaliyeed qabsadeen Gobolka Tigray.

Warbixin ey qaramada midoobay horraantii bishan juun soo saartay  ayey kusheegtay in ey jiraan cadeymo ay heshay oo muujinayey in ciidamo soomaali ah oo kaqeyb qaatay dagaalka wuqooyiga dalkaasi itoobiya, iyadoona taasi ey  walaac xooggan  kubeertay waalidiinta soomaaliyeed ee wiilashooda tababarka loogu qaaday eraterea.