Maxkamada CQS oo dhageysaneysa Eed loo heysto Labo nin ajaanib Ah

0

Maxkamadda 696x392

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliy ayaa maanta dhageysan doonto labo eedeysane oo ajnabi ah kuwaas oo loo heysto kamid ahaanshaha Alshabaab.

Labada eedeysane ayaa u kala dhashay dalalka Malaysia iyo Britain.

Labadan eedaysane ayaa loo haystaa inay dalka ku soo galeen sifo sharci darro iyo inay ka barbar dagaaalameen ee Alshabaab, Waxaana loo haystaa in mudadii ay Soomaaliya joogeen inay gaysteen tacadiyo iyo gabood falo ka dhan ah muwaadiniin Soomaaliyeed iyo inay qayb ka noqdeen weeraro argagaxasinimo.

Alshabaab ayaa ah dagaalyahano dagaal kula jira Dawlada Soomaaliya.