Qoor qoor oo kulan gaar ah la yeeshay Safiirka UK Ee Soomaaliya

0

205708389 980000102814906 1207490600986409124 N

Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa maanta kulan khadka mareegta ah kula yeeshay Danjiraha Dowladda Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Ms. Kate Foster.

Madaxweynaha & Danjiraha ayaa ka wada hadlay arrimaha horumarinta Kaabayaasha dhaqaale, amniga gudaha iyo dhismaha Hay’adaha kala duwan ee Galmudug oo Dowladda Ingiriisku ay gacan ka geysatay.

206461591 980000179481565 3123797358296926497 N

Dhinaca kale, Madaxweynaha iyo danjiraha ayaa ka wada hadlay arrimaha dardargelinta doorashada dalka oo si habsami leh ku socota.

Madaxweynaha ayaa ugu danbeyntii danjiraha kaga mahadceliyay taageerada iyo garab istaagga dowladda UK ee guud ahaan Soomaaliya iyo Galmudug si gaar ah.