Shirkii IGAD maanta oo doorashada Soomaaliya looga hadlay

0

1

Shirkaan oo ahaa kii 72aad Ee Wasiirada Arimaha dibada Urur Gobolleedka IGAD iskugu yimaadaan ayaa maanta qadka Internet-ka ee loo yaqaano VTC ku yeesheen ayaa looga hadlay Arimo dhowr ah.

Afar Ajande ayuu kusaabsanaa shirka waxana ay kala ahaayeen:

  1. Xaalada nabadeed iyo isbadelka ka jira Dalka Koonfurta Sudan
  2. Saameynta Gobolka uu ku reebay caabuqa Covid 19
  3. Taageero la siiyo Dawlada Soomaaliya
  4. Xasiloonidii laga dhex abuurayey K/Sudan iyo Dawlada Sudan oo dib u eegis lagu sameenayo.

Wasiirka Arimaha dibada Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Abuukar oo shirkaan ku metalayey Soomaaliya ayaa qoraalkaan soo dhigay Bartiisa Twitterka.

“Waxaan la wadaagay golaha halka ay marayaan howlaha doorashooyinka soo socda ee ka dhacaya Soomaaliya, waxa uu sheegay in Xubnaha Shirka ka qeyb galay uu sidoo kale uga warbixiyey horumarka laga sameeyay xiriirka diblomaasiyadeed ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya iyo xaaladda nabadgelyo ee haatan ka jirta Soomaaliya”.