Wafdi ka socda Dawlada Itoobiya oo gaaray Ber bera (Ujeedkooda)

0

207166919 1437882446612029 8583006807365495838 N

Dawladda Ethiopia ayaa wefti culus oo uu hogaaminayo Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda federaalka  Axmed Shide, Wasiir Ku-xigeenka Gaadiidka iyo Madaxweynaha dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Cagjar usoo dirtay Somaliland, waxaanay gaadheen  magaalada Berbera, halkaasi oo ay Madaxweynaha JSL Md.

Muuse Biixi Cabdi kala qaybgalayaan furitaanka dhammaystirka wejiga koowaad ee casriyeynta marsada Berbera oo lagu kordhiyey 400m iyo mashaariic kale oo lagu kordhiyey dekedda.

Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi  ayaa weftigan ku qaabilay Berbera.

204409132 1437882463278694 1575642633396223837 N

204742820 1437882436612030 1342393245392884035 N

207166919 1437882446612029 8583006807365495838 N