Wasiir Beyle oo ka qeyb galay shir dalal dhowr ah kaga hadleen dhaqaalaha

0

Beyle

Shir ay iskugu yimaadeen mas’uuliyiin kala matelay Dalal kala duwan ayaa waxa uu ka dhacay Aalada Zoom-ka.

Waxa kulankaasi looga hadlayey saameynta dhaqaale ee covid 19 Ee dalalka Africa iyo sida looga soo kaban karo.

Wasiirka Maaliyada Soomaaliya Dr C/raxmaan Ducaale Beyle oo shirkaasi furitaankiisa shalay ka qeyb galay waxa uu sheegay inay kaalinta Soomaaliya ee dhaqaalaha iyo xakameynta caabuqa uu soo bandhigay.

Wasiir Beyle ayaa yiri “Shirkaan oo ahaa Sanadle ayaa COVID19 wuxuu caqabad ku noqday dhaqaalaha adduunka. Hadda waxaan u baahanahay inaan si wanaagsan & qaab wadajir ah u soo kabanno. Bangigu waa tiir xoogan & saameyn mid ku leh dib-u-habeynta dhaqaalaha Soomaaliya”.

Shirkaan waxaa soo agaasimay Bankiga Hormarinta Africa iyadoo dalalka Africa ee ka qeyb galay ka mid aheyd Soomaaliya ay si togan usheegeen in dagaalka Covid 19 lawada qeyb qaato.

Marka laga soo tego Koonfur Africa waxay Africa umuuqataa mid kasii dhamaanayo cudurka Corono,iyadoo dhaqaalaha Waddamo badan uu meel hoose geliyey Caabuqaasi.