18 Qof oo ku dhintay dagaal koox daroogo ka shaqeysa dhexmaray

0

3500.

Sida ay sheegayaan warbaahinta waxaa dalka Mexico ka dhacay Iskahorimaad udhaxeeyey kooxo daroogada ka ganacsata.

Dagaalkaasi ayaa la sheegay inay ku dhinteen 18 qof waxaana jira dhaawacyo intaasi ka badan.

Labo koox oo lagu kala magacaabo Sinalaawu iyo Jalisko ayey ka kala tirsan yihiin maleeshiyaadka dagaalamay,waxaana tacshiiradaasi ay ka dhacday Magaalada Sekatekaas.

Dawlada Mexico waxba kama qaban karto dagaalka gaangistarada daroogada ka ganacsada dalkaasi oo asal ahaan kasoo jeeda waddanka Spain.