Askar ku dhimatay xuska dabaal dega 26-ka June Magaalada Jowhar

0

206573597 2295375753929684 1821020090135496289 N

Madaxwaynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam,  ayaa bulshada Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda 61 guuradii kasoo wareegtay markii ay gobollada Waqooyi xorobeen.

Madaxwaynaha ayaa sido kale kula dardaarmay ummadda Soomaaliyeed adkaynta midnimada iyo wada dhalashada dhexdooda ah waxaana uu xusay in dadku dib u xasuustaan halgankii laga soo maray dhalinta xorriyadda aan maanta haysanno.

Magaalada Jowhar Askar ayaa ku dhimatay is rasaaseyn dhexmartay ciidamada Haramacad iyo kuwa meliteriga iyadoo khilaafkaasi dagaalka sababay la ogeyn waxa uu ka dambeeyey.

Xalay lix saac ayaa markii saacadu ay ku dhacday Meelo badan magaalada Muqdisho laga maqlay Rasaas kala duwan oo loogu dabaal degayey Xuska 26-ka June,dad badan ayaana hurdada ka salalay rasaastaasi awgeed.