DHAGEYSO: Farmaajo oo dhalinyarada ka codsaday inay siyaasiyiinta dhex dhexaadiyaan

0

204439470 4147336755350771 5477562623891695675 N

Munaasabadahaan lagu maamuusayey markii ugu horeysay Calan Soomaaliyeed Ciideena laga muday ayaa xalay siyaabo kala duwan waxa looga dabaal degay Magaalada Muqdisho iyo Gobollada Dalka.

Xafladii ugu weyneyd ayaa ka dhacday Madaxtooyada Soomaaliya oo mas’uuliyiin kala duwan ay ka qeyb galeen.

Madaxweyne Farmaajo ayaa gudoomay Salaan sharaf ay siiyeen Ciidamada Xoogga Dalka ayna maamuusayeen Kooxda baambeyda,iyadoo markaasi kadib 12:00 saqdii dhexe calanka la saaray.

Maalintaan oo si gaar ah gobollada wuqooyi xoriyadii ay ka qaateen Gumeystihii Ingiriiska 26-kii June 1960-kii ku beegneyd ayuu Madaxweyne Farmaajo khudbad dhinacyo badan taabaneysay iyo halgankii lasoo maray goobta ka jeediyey isagoo aad ugu dheeraaday Ahmiyada ay leedahay Xuskaan oo kale.


Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhalinyarada ka codsaday inay doorkooda qaataan oo bad baadinta dalka ka qeyb galaan islamarkaana ay siyaasiyiinta kala fikirka duwan dhex dhexaadiyaan.