Kenya oo diyaaradaheeda duqeyn ka fuliyeen deegaano katirsan Gedo

0

Kenya 620x330

Wararka ka imaanaya Gobolka Gedo ayaa sheegaya in duqeyn lagu garaacay deegaano katirsan Gobolkaasi waxaana jira khasaaro ka dhashay.

Dadka deggan Tuulooyinka Dhamaso iyo dhuuntaag oo hoostaga degmada Ceel waaq ayaa sheegay in dhowr gantaal ay ku dhaceen Halkaasi.

Sargaal katirsan ciidamada dawlada oo lagu magacaabo Aadan Shire Rufle ayaa sheegay inay sii socdaan dhibaatooyinka ciidamada Kenya ka geystaan gudaha Soomaaliya.

Waxa uu ku eedeeyey ciidamada kenya inay sii wadaan duqeymaha Kenyaanku ka fulinayaan deegaanada Gobolka Gedo Ee shacabku ku nool yihiin.

Diyaaradaha kenya ayaa sidaan oo kale bishaan duqeymo ay ku garaaceen deegaanada ceel cade iyo ceel waaq waxaa khasaaro dhimasho iyo dhaawac uu kasoo gaaray shacab aan waxba galabsan.

Midowga Africa ayaa sheegay inay baaritaano kusameyn doonaan duqeymaha ka dhacay Gedo ee lagu eedeeyey in diyaaradaha kenya ka dambeeyeen bishaan Juun.