Nin Soomaali oo watay tooreey oo dhowr qof ku dilay Dalka Jarmalka

0

4482 2988 2.60574795

Inta la og yahay saddex qof ayaa lagu dilay, 10 kalena waa lagu dhaawacay weerar loo adeegsaday tooreey, oo uu 24 jir ah Soomaali ah ka gaystay magaalada Würzburg ee dalka Jarmalka.

Saraakiisha Booliska ayaa sheegay in ninkaan maalmihii lasoo dhaafay qaadanayey Daawo xagga xanuunada maskaxda ah oo lagu qasbay, kadib markii laga yaabay hab dhaqankiisa.

Booliska Jarmalka ayaa markii dambe joojiyey weerarkaan kadib markii ninka Soomaaliga ah ay lugta ka toogteen, waxayna sheegeen inuu gaaray dhaawac aan halis gelineyn naftiisa.

Wasiirka arrimaha gudaha gobolka Bavaria oo magaalada Würzburg ay katirsan tahay, ayaa sheegay in ayada oo inta badan dadka dhaawac ah ay xaaladdoodu ay aad u darran tahay, uusan hubin inta ka bad-baadi doonto laga qaaday meesha.

Weli lama oga in weerarkaan yahay mid argagaxiso iyo inkale mana jirto cid sheegatay Mas’uuliyada weerarkaasi.