Xubno katirsan Kooxda Daalibaan oo lagu laayey howlgal qorsheysan

0

Us Afghanistan

Kudhawaad 24 katirsan kooxda daalibaan ayaa lagu dilay weerar ka dhacay Dalka Afgaanistaan.

Ciidamada Amaanka Dalka Afgaanistaan ayaa howlgal qorsheysan ay ka fuliyeen Gobolka Kundus waxa lagu dilay 24 qof iyadoo la dhaawacay 15 kale oo dhamaantood lagu sheegay inay Daalibaan katirsanaayeen.

Ciidamada ayaa waxay sheegeen inay howlgalka ka fuliyeen deegaanada kala ah: Seh Daraak,Enaayat iyo Saqiil oo qiyaastii 250 km ujira Caasimada Kabul.

Ma jirto war kasoo baxay Kooxda Daalibaan oo ay kaga hadlayaan weerarkaasi lagu dilay xubno katirsanaa iyaga ee dawladu sheegtay in howlgalkaasi lagu khaarajiyey.