DHAGEYSO: Xukuumada oo shaacisey in diyaaradaha loo keenay shatiyada

0

Xalane Garoonka Muqdisho

Iyadoo in muddo ah dalka uusan laheyn bixinta shatiyada diyaaradaha ama taargo siinta diyuuradaha cusub ayaa waxay hay’ada duulista rayidka soomaaliyeed sheegtay in hadda ay diyaar ku yihiin gudaha dalka shatiyadaasi.

Wasiirka wasaarada gaadiidka iyo duulista hawada soomaaliya Duraan Axmed Faarax ayaa sheegay in hormar laga gaaray sidii loo diin waan gelin lahaa diyaaradaha cusub iyagoo dalka kusugan.

Wasiirka ayaa sheegay in laga gudbay caqabadii ka taagneyd shatiyada soomaaliya aan laga heli jirin balse wixii hadda ka dambeeya Dawladu ay bixin doonto,isagoo munaasabad ka dhacday garoonka Muqdisho ka hadlayey ayuu wasiir duraan hoosta ka xariiqay in qeybo cusub madaarka lagu soo kordhiyey.

Isbadelo ballaaran ayey ku tallaabsaneysaa Wasaarada gaadiidka iyo duulista hawada soomaaliya taas oo lagu hormarinayo dhinaca duulimaadyada caalamiga ah ee dalkeena imaanaya iyo kuwa udhoofaya,islamarkaana qeybo cusub lagu soo kordhiyey garoonka Aadan Cabdulle Cusmaan Ee Muqdisho.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA