Jubbaland oo digniin udirtay hay’adaha samafalka ee kusugan Kismaayo

0

Capture

Shirkaan oo looga hadlayey Amaanka iyo qaabka ay hay’adaha samafalka adeegooda ugaarsiin lahaayeen tuulooyinka ayaa waxa uu ka dhacay magaalada Kismaayo.

Gudoomiyaha Gobolka Jubbada Hoose C/rashiid C/llaahi Gooni ayaa uga digay saraakiisha Hay’adaha samafalka in iyagoo maamulka gobolka iyo wasaaradaha aysan ka warqabin ay iska tegaan.

Wasiirka Amniga Jubbaland General Yuusuf Xuseen Dhuumal ayaa ballan qaaday in wixii amniga quseeya hay’adaha samafalka markii ay tuulooyinka adeegooda geynayaan laga caawin doono.

Jubbaland ayaa waxa ka socdo howlgal amniga lagu xaqiijinayo si adeegyada bulshada loo gaarsiiyo deegaanada miyiga ah ee Al Shabaab laga saaray duleedka Kismaayo.