Rooble & qoor qoor oo booqday dadkii ku dhaawacmay dagaalkii Wisil

0

205873245 4375686002492158 6838396442087985528 N

R/wasaare Rooble & Madaxweyne Qoor qoor oo siwadajir ah xalay ubooqday dadkii ku dhaawacmay dagaalkii shalay Ka dhacay Deegaanka Wisil Ee Gobolka Mudug.

Dhaawacyada oo xalay maqribkii diyaarad lagu keenay Muqdisho ayaa madaxdu waxay dhakhaatiirta ka wareysteen marxalada dadka dhaawacyada ah.

Ra’iisul Wasaaraha waxa uu uga mahadceliyay sida geesinimada leh ee ay isaga caabiyeen cadowga Alshabaab ee deegaankooda soo weeraray,sida uu warka udhigay.

Dagaalkii shalay Al shabaab iyo ciidamada Dawlada ku dhexmaray deegaanka Wisil ayaa geystay khasaaro kala duwan.