8 Bil kadib maleeshiyada kooxda TPLF oo dib uqabsatay Caasimada Tigray

0

73042d74 A2fe 4e7b A822 801f90a2ebc5

Dowladda Itoobiya ayaa gobolka Tigray uga dhawaaqday xabbad joojin – sideed bilood kaddib markii uu Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed uu halkaas ciidamo u diray si uu hoggaanka gobolkaas meesha uga saaro.

Ku dhawaaqista arrintaas ayaa waxa ay timid xilli dad goobjoogayaal ah ay sheegeen in ciidammada ka soo horjeeda dowladda ay joogaan waddooyinka caasimadda gobolkaasi ee Mekelle.

Dhammaan dhinacyada ayaa waxaa lagu eedeeyay inay gaysteen dilal badan iyo xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha.

In ka badan shan milyan oo qof ayaa waxa ay si degdeg ah ugu baahan yihiin raashin gargaar ah, waxaa sidaasi sheegtay Qaramada Midoobay, halka 350,000 oo qofna ay macalluul wajahayaan.

Maamulkii ku meel gaarka ah ee dowladda federaalka geysay gobolka Tigray ayaa la sheegay inay isaga carareen magaalada Mekelle oo xoogagga falaagada ee TPLF ay gacanta ku dhigeen, sida ay ku warantay wakaaladda wararka ee AFP

“Qof kasta oo ka tirsanaa mamaulka dowladda wuu baxsaday. Kuwii u dambeeyay shalay galab ayay baxsadeen. Gobolka hadda waa maamul la’aan”, ayuu yiri masuul ka tirsanaa dowladda ku meel gaarka ah oo ka gaabsaday magaciisa.

Qaar ka mid ah shaqaalaha gargaarka ee ku sugan magaalada Mekelle ayaa sidoo kale xaqiijiyay in masuuliyiintii dowladda matalayay isaga ka baxeen magaalada.