Amaanka Gaalkacyo oo laga shiray & Go’aanada laga soo saaray

0

5 13

Guddiga Amniga Gobolka Mudug, ayaa saaka shir ka yeeshay xaaladda Ammaanka Gobolkaas, gaar ahaanna magaalada Gaalkacyo.

Guddoomiyaha Gobolka Mudug, Cabdiladiif Muuse Nuur ayaa shir-guddoomiyay kulanka, waxaana ku weheliyay Gudoomiye ku Xigeenka Gobolka Mudug Maxamed Xasan Waloore, Duqa Degmada Gaalkacyo Maxamud Cabdinuur, Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Mudug G/sare Muumin Cabdi shire iyo saraakiil kale.

Shirka waxa warbixin looga dhegaystay Laamaha Amniga Gobolka Mudug, waxaana lagu go’aamiyay Adkaynta iyo dardar gelinta Amniga magaalada Gaalkacyo iyo guud ahaan Gobolka Mudug.

Shirkaan ayaa ku soo beemay maalmo, kadib markii Gaalkacyo lagu toogtay 18 xubnood oo lagu helay in ay ka tirsanaayeen ururka Al-shabaab.