Maayarka cusub Hargeysa oo iska diiday ilaalo iyo gaari lagu wareejiyo

0

Maxresdefault

Maayirka Hargaysa cabdikariin Axmed Mooge ayaa iska diiday ilaalo iyo gaadhi uu ku wareejiyay maayirkii hore ee Hargaysa.

Maayirka cusub ee magaalada Hargaysa cabdikariin Axmed Moge oo maanta si rasmiya xilkii ugala wareegay maayirkii hore ee Hargaysa Cabdiraxmaan Solteco ayaa iska diiday in uu kaxaysto ilaalo hore ula socon jirtay maayir hore Solteco waxaana uu sheegay in aanuu u baahnayn wax iloolo ah.

Sidoo kale maayir mooge ayaa diiday in uu kaxaysto gaadhi Hardtop ah oo uu wadan jiray Cabdiraxmaan Solteco waxaana uu sheegay in aanuu bedelayn gaadhigiisii uu hore uwadan jiray.