Sheekh Shariif oo hambalyo udiray Shacabka Soomaaliyeed

0

Madaxweynihii hore Ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa hambalyo ku aadan munaasabada xoriyada Soomaaliya la wadaagay Shacabka.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA SHARIIFKA

Waxaan hambalyo u dirayaa shacbiga Soomaaliyeed oo u dabaaldegaya munaasabadda 61 sano guuradii ka soo wareegatay #1Luulyo1960kii oo ku asteysan xornimadii gobollada Koonfurta, midnimadii iyo midowgii Waqooyi iyo Koonfur iyo markii ugu horreysay ee la aasaasay Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Waa maalin ku weyn guud ahaan quluubteenna, iyadoo ay tahay in aan is weydiinno 61 sano ka dib maanta halka aan joogno iyo sida looga soo kaban karo Qaranjabkii iyo burburkii nagu dhacay.

Waxaan aaminsanahay haddii aan gacmaha is qabsanno, waqtina aan ku bixinno tanaasul iyo is qancin, kana shaqeyno dhismaha dowladnimo caddaalad ku dhisan in aan ka soo kaban karo burburkii na gaaray oo aan dib u soo ceshan karno sharaftii iyo karaamadii aan caalamka ku lahayn.

“GUUL IYO GOBANNIMO SOOMAALIYEEY”