Wiil uu dhalay Jacop zuma oo ku hanjabay in aabihiis xabsi la geyn doonin

0

210184206 3076691955892588 2055639988114960030 N

Edward Zuma, oo si adag u hadlay ayaa sheegay in Booliiska ay tahay marka hore inay isaga dilaan hadii ay doonayaan inay u tagaan Aabihiis Jacob Zuma, waa Madaxweynihii hore ee Koonfur Afrika.

“Aniga oo ah Edward Zuma, waxaan u maleynayaa in mowqifkeyga la ogaa, walina waxaan ku adkeysanayaa, Waxaan nolosheyda u bixin doonaa Madaxweyne Zuma….Ma geynayaan xabsi intaan noolahay….Waa inay marka hore i dilaan, taasna waan ku adkeysanayaa” ayuu ku celceliyey.

Talaadadii Maalin ka hor, ayaa Maxkamadda dastuuriga ah ee Qaranka South Africa, waxay Madaxweynihii hore ku xukuntay 15 bilood oo xabsi ah kadib markii lagu helay dambi ah xaqiraad maxkamadeed oo ah inuu u hogaansami waayey amar ay soo saartay.