Argagax ka dhacay Dabaqyo dumay dalka Japan & Dad nolol & geeri lagu waayey

0

Two Bodies Were Found After A Huge Landslide At A Resort Town In Central Japan Swept Away Homes On Saturday

Inta la og yahay 20 qof ayaa la weysan yahay nolol & geeri halka ay ku dambeeyeen markii daad ka dhashay roob dabeylo watay oo ka da’ay Magaalada Atami ee Dalka Japan.

Muuqaal laga arkay warbaahinta waxaa uu muujinayaa dhismayaal ay dhul go’a iyo daadadka ay maasheeyeen.

Dhimasho labo qof ayaa la xaqiijiyey waxaana laga yaabaa in dhimashadu intaas ka badan karto.

Kudhawaad 20 Kun guri ayaa ku yaalla Magaalada mashaqadaan ay ka dhacday oo koonfur Galbeed kaga beegan Caasimada Japan Ee Tokyo.

Kooxaha gurmadka ayaa ku baxay Gobolka Shisuwaaka,waxaana raadin lagu bilaabay dad loo maleenayo inay dabaqyada dumay ku hoos jiraan.