DHAGEYSO: Jawaahir Baarqabad oo codsi udirtay R/wasaare Rooble

0

Eni 5znwsaeifyp

Gudoomiyaha Ururka Haweenka Gobolka Banaadir Jawaahir Maxamed Baarqab ayaa ka hadashay sida ay ugu diyaar garoobeen Haweenka Doorashada Dalka ka dhaceysa dhawaan.

Waxay sheegtay Jawaahir in ay jiraan cabasho ay qabeen dumarka ee ah in la duudsiiyey Xaqii siyaasada iyo saamigii ay ku lahaayeen,iyadoo ku baaqday in nabad gelyada Caasimada Muqdisho laga wada shaqeeyo si doorasho nabdoon loo qabto.

Fariin ayey udirtay R/wasaare Rooble iyadoo ka codsatay inuu muujiyo doorkiisa haweenka iyo inay helaan qoondada ay lahaayeen dhinaca Siyaasada ka qeyb galkeeda.


Haween badan ayaa sanadkaan laga yaabaa inay kasoo dhex muuqdaan Baarlamaanka Federaalka marka loo eego dedaalka ay ku bixiyeen in ay saaxada siyaasada ka helaan kuraas badan.