DHAGEYSO: Safaarada Soomaaliya Ee Kenya oo dib loo furay

0

Tarsan

Safiirka Soomaaliya ufadhiga Dalka Kenya Danjire Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) ayaa sheegay in dib loo furay Safaarada Soomaaliya Ee Magaalada Nairobi.

Waxa uu safiir Tarsan sheegay in shaqada ay toos ubilaabaneyso 5-ta Bisha July oo isniinta Isbuucaan ku beegan.

Safaarada ayaa wargelisey Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee shaqada uga xayirneyd Xarunta la qaabili doono.

Xiriirka Labada Dal ee Soomaaliya iyo Kenya ayaa dib usoo laabtay dhawaan kadib xal laga gaaray khilaaf diblomaasi oo ka dhex jiray,iyadoo labada waddan ay safaaradahoodii Muqdisho iyo Nairobi dib ufurteen.

Halkaan hoose ka dhageyso codka