Faah faahin kasoo baxeysa Ismiidaamintii ka dhacday Muqdisho

0

211337903 179140237562785 3619269657938572192 N

Warsaxaafadeed ay Xilli danbe oo xalay ah soo saartay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayey ku sheegtay in ugu yaraan 10 qof ay ku dhinteen tiro intaa ka badanna ay ku dhaawac meen Qarax uu Sameeyay qof isa soo miidaamiyay oo xirnaa jaakad meel ku dhow Hotel Jubba ee Magaalada Muqdisho.

Weerarka ayaa dhacay saacad mashquul badan oo dhibbanayaasha ay waqti ku qaadanayeen Maqaayad shaaha laga cabo oo maxalli ah, ayaa lagu yiri war saxaafadeedka.

“Mar labaad Al-Shabaab waxay cadeeyeen in rabshadoodu aysan lahayn soohdin oo ay u xasuuqayaan Shacabka si aan kala sooc lahayn”.

Ugu danbeyn Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in wali uu socdo Baaritaanka falkaan foosha xun ee al-Shabaab geysteen.

Askar iyo Shacab ayaa ku dhintay weerarkaasi oo ay shalay gelinkii dambe Al Shabaab ka fuliyeen Maqaaxi ku taalla Isgoyska Jubba ee Degmada Boondheere.