General Xijaar oo sheegay in burcad dhac geystay maxkamad lasoo taagayo

0

Xijaar

Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliya General Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) oo maanta shir jaraa’id Ku qabtay Xarunta Nabad gelyada Waddooyinka Ee Magaalada Muqdisho ayuu kaga hadlay Arimaha Amniga iyo hormar Taliska Taraafikada ay sameeyeen bil gudaheed.

General xijaar ayaa ku bogaadiyey Howsha adag uu qabtay Taliyaha Taraafikada General Bishaar Abshir Geedi,iyadoo shahaado sharaf lagu siiyey inuu qashinkii ka qaaday Xaruntaasi.

Taliyaha Booliska Soomaaliya General Xijaar ayaa sheegay in wax laga qabtay Kooxo Burcad ah oo maalmihii dambe Muqdisho qaarkoodna Maxkamad lasoo taagi doono sida ugu dhakhsiyaha Badan.

Inta badan Magaalada Muqdisho waxaa lagu arkaa cariiri badan oo ku aadan gaadiidka mararka qaarna mashquul awgeed meel la maro ayaa la waayaa,taas oo lagama maar maan inay tahay lagu sheegay dib uhowlgelinta Ciidanka Taraafikada ee gaadiidka iyo dadweynaha kala haga.