Mukhtaar Rooboow Abu Mansuur oo cuntadii ka soomay

0

Mukhtaar Roobow

Mukhtar Rooboow Abuu Mansuur ayaa markale ka soomay Cunto iyo Biyo, sida ehaladiisa caawa u xaqiijiyeen Idaacad ka howlgasha Muqdisho.

Waxaa ciidamada ilaalada ka hayya ay qasbeen inuu wax cuno lakin waa uu diiday. Wuxuuna 48 saac wax ku dhow ka soomay inuu afkiisa wax saaro

Mukhtar Roobow Mansuur ayaa seddex sano u xiran dowladda Federalka Somaliya.

Afhayeenka al Shabaab iyo Amiir kuxigeen ayuu soo noqday Abu mansuur balse fikirkii argagaxisanimada ayuu ka tanaasulay Siyaasad ayuuna doonayey ka hor inta 2018-kii laga soo xirin Baydhabo.