Ramla Cali oo diyaar garow ugu jirta Tartanka Olambilkada Adduunka

0

211422132 2986959238297068 8703432457549413537 N

Ramla Cali oo ah Gabar Feeryahanad ah ayaa Soomaaliya sanadkaan ku metali doonta ciyaaraha feerka ee Olombikada Adduunka.

Sida qorshaha uu yahay waxa tartankaasi oo dalal badan ka qeyb galayaan lagu donaa magaalada Tokyo ee Caasimada dalka Japan.

Qoraal ay saacado ka hor barteeda Twitter soo dhigtay ayey Ramla sheegtay in ay aad ugu farxsan tahay ka qeybgalka ciyaaraha Olombikada Adduunka, isla markaana ay dalkeeda Soomaaliya metelaad rasmi ah unoqoto,waxayna aad ugu mahadcelisay taageereyaasha Soomaaliyeed ay umuujiyeen.

Waxay sheegtay Ramla in muddo toban Sanadood ah oo ku jirtay feerka ay muujisay dadaal dheeri iyo naf hurid, isla markaana ay dagallantay 75 jeer, ayna ciyaaro feer ah u tagtay 20 dal, haddana ay ku faraxsan tahay ka qeybgalka ciyaaraha Olombikada Caalamka Ee Tokyo.

Todobaadkii hore ayaa dhinaca kale xiriirka Takewandhuuga Soomaaliya wuxuu shaaciyay in Munira Warsame oo Ingiriiska ku dhalatay ay Soomaaliya ku matali doonto ciyaaraha takewaandhuuga ee Olombikada Adduunka.

Ciyaaraha Olombikada ayaa 23-ka bishan ka furmi doona magaalada Tokiyo ee dalka Japana, xilli ay weli jiraan xayiraadaha xanuunka COVID-19 hadana diyaar garow badan ayaa dalalka tartamayaashooda ay ku jiraan.

Ramla iyo Naciima ayaana Soomaaliya ay usacbin doonaan si ay guulo uga keenaan Tartanka Tokyo ka furmi doona.