Rooble oo ka hadlay qaraxii ka dhacay Muqdisho Fariina udiray Shacabka

0

Rooble 1 696x537 1

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyada Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa cambaareeyay falkii argagixisanimo ee ka dhacay Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa si kulul u cambaareeyay falkii argagixisanimo ee shalay galab ka dhacay goob maqaaxi ah oo ay ku shaaheynayeen dad rayid ah, kaasi oo ka dhashay qasaare isugu jirta dhimasho iyo dhaawac.

Ra’iisul Wasaare Rooble waxa uu yiri ”Waxaan cambaareynayaa qaraxii argagixisada Al-Shabaab ka geysteen Muqdisho oo ay ku dhinteen, kuna dhaawacmeen dad rayid ah oo aan waxba galabsan.

Inta dhimatay Allaha u naxariisto, dhaawacyadana Allaha bogsiiyo.

Falkan bahalnimada iyo arxan darrida ah waxa uu muujinayaa sida ay argagixisada uga go’antahay waxyeelleynta shacabka, taas oo waajib nooga dhigeysa in aan isu kaashanno la dagaallanka iyo ciribtirka argagixisada noo diiddan nabadda iyo dowladnimada,waa sida uu hadalka udhigay R/wasaare Rooble.”