DHAGEYSO: Galmudug oo degmada Guriceel ka hirgelisey barnaamij muhiim ah

0

Capture

Wasaarada Gaadiidka Galmudug ayaa ku baahineysa deegaanada maamulkaasi shuruucda iyo Hanaanka Shaqo Ee looga baahan yahay Wadayaasha Baabuurta.

Wasiir kuxigeenka Wasaarada Gaadiidka Galmudug Axmed Cabdi Shaaluco ayaa Guriceel ka daah furay barnaamijka qaadashada Sumadaha Baabuurta Ee taargada loo yaqaano.

Wasiir Shaaluco ayaa ugu baaqay dadka inay uhogaansamaan shuruucda iyo inay Taargooyinka loo baahan yahay ku xirtaan gaadiidkooda si loola socdo dhaq dhaqaaqooda iyo inay sharciga lagu ballamay si toos ah uqaataan.


Guriceel ayaa ka mid ah meelaha ugu bulshada badan Galmudug waxaana wasaaradu ay sheegtay in wax badan oo hormaro ah ay ka socdaan.