DHAGEYSO: Xogta Kulankii ugu saacadaha dheeraa oo ka dhacay Burco

0

Capture

Kulan ay yeesheen Golaha deegaanka Burco ayey kasoo saareen qodobo dhowr ah oo quseeya hormarinta Magaalada iyo sida loogu baahan yahay in lawada howlgalo.

Gudoomiyaha Magaalada Burco C/risaaq Ibraahim Cabdi (Hiiro) oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay in awaamiirta soo baxday ay ugu muhiimsaneyd bilic soo celinta deegaanka oo nadaafad daro baahsan la dareemay.

Waxa uu sheegay Duqa Burco in maalinta khamiista ah ay dadka iskugu soo banaanbaxaan qashin uruurin guud oo la sameyn doono si bilicda magaalada dib loogu soo celiyo,baaq ayuuna udiray Shacabka.


Deegaanada qaar Soomaaliland waxaa ka bilowday olole xoogan oo lagu nadiifinayo iyadoo dhawaan sidaan oo kale Hargeysa Shacabka iyo Mas’uuliyiinta Magaaladaasi ay wadajir olole nadaafadeed usameeyeen.