Khilaafka cusub Ee Mahdi Guuleed & Cabdi Xaashi soo kala dhex galay

0

Pjimage 5

Xubnaha guddiga doorashada kuraasta xildhibaanada gobollada waqooyi ee Somaliland ee uu soo magacaabay guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa iska dhex doortay guddoomiye iyo guddoomiye ku xigeen.

Guddigan oo ka kooban afar qof ayaa guddoomiye u doortay Suleyman Caydiid Cismaan, halka gudoomiye ku xigeen ay u doorteen Cabdishakuur Abiib Hayir.

Doorashadaan ayaa ku soo aadeysa, iyadoo shalay galab ay guddoon doorteen iyaguna todobadii xubnood oo kale ee guddigaan, kuwaas oo afar kamid ah uu soo magacaabay R/wasaare Kuxigeenka Soomaaliya Mahdi Guuleed Khadar, halka seddaxda kale uu soo magacaabay R/Wasaare Rooble.

Garabka Mahdi Guuleed Xubnaha ka yimid ayaa Gudoomiye udoortay Khadar Xariir Xuseen iyadoo kuxigeen loo doortay Najiib Xuseen Samaale.

Waxaa muuqaneysa kala aragti duwaanshiyo cusub oo soo kala dhex gashay guddiyadaan Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed soo kala magacaabeen,mid walbana uu sheegayo in sidii saxda aheyd ay doorashada gudoonka umareen.

Ma jirto war war ah oo kasoo baxay Xafiiska R/wasaaraha Dalka oo looga hadalyo arintaan soo korortay ee dhanka Guddiga Xildhibaanada Soomaaliland dooranaya ee labada gudoon kala doortay.