Yaa laayey Qoyskii Cusmaan Diiriye Ee Xalay Lagu xasuuqay Gobolka Mudug?

0

Saax Qurun

 

Wararka ka imaanaya Gobolka Mudug ayaa sheegaya in ciidamada amaanku ay howlgalo ka wadaan aagga deegaanka Saax Qurun oo xalay saqdii dhexe qoys dhowr qof ka koobnaa lagu laayey.

Allaha unaxariistee cusmaan diiriye Cilmi iyo labo carruur ah uu dhalay ayaa la dilay iyadoo wiil 8 jir ahna lagu dhaawacay falkaasi.

Koox hubeysan ayaa rasaas ooda kaga qaaday qoyskaan iyadoo kadib dhacadadaasi kooxda ay baxsadeen.

Xildhibaan Yoonis Maxamed Shaare Gudoomiyaha guddiga arimaha bulshada Baarlamaanka Galmudug ayaa ka tacsiyadeeyey dadka la dilay isagoo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook ku yiri:

“Allaha u naxariisto walaalkay Cismaan Diiriye iyo carruurta aan adeerka u ahay ee xalay gurigoodii lagu xasuuqay inta dhaawacaa allaha caafiyo. Falkaas oo ka dhacay inta u dhaxeysa deegaanka saax-qurun iyo degmada Goldogob.

Guud ahaan Dowlad goboleedka Puntland waxaa looga fadhiyaa falcelinta falkii waxuushnimo ee dadka wax magaratada ah ay geysteen ee xalay lagu xasuuqey qoyska reer miyigaa.

Waxaan aaminsanahay falkaasu inuu lid’di uu ku yahay xoreynta looga xoreynayo Gobolka Mudug Argagaxisada,ayuu yiri Xildhibaan Yooni Shaare”

Ma jirto war kasoo baxay Taliska Laamaha Amniga Galmudug oo looga hadlayo falkaasi xalay ka dhacay Saax qurun iyadoo fal aano qabiil inuu yahay loo maleenayo.