DHAGEYSO: Dagaalka Gedo oo weji kale yeeshay & Gudoomiyaha oo baaq diray

0

Gudoomiyaha Gobolka Gedo Axmed Buule Gareed ayaa sheegay inay ka xun yihiin dagaal beeleedka kasoo cusboonaaday Deegaano hoostaga degmada Dooloow.

Beelo walaalo ah ayaa ku dagaalamay dhul beereed deegaanka bohol garas oo wuqooyiga Jiinka webiga Jubba dhaca,waxaana jira khasaaro dhimasho iyo dhaawac leh oo dirirta ka dhalatay.

Gudoomiyaha waxa uu sheegay in guddi ka kooban saraakiil ciidan,gudoomiyeyaal iyo Odayaal dhaqameed uxilsaareen kala dhex gelida beelaha dagaalamaya,isagoo ka codsaday inay xal nabadeed uraadiyaan dagaalkaasi.


Maamulka Gobolka Gedo ayaa waxay sheegeen in haatan oo la isku diyaarinayo Doorashada Xildhibaanada Federaalka ah aysan Gedo xamili Karin dagaal beeleed dhiig la iskaga daadiyo.