Cusbitaal dadka covid 19 lagu karantiilo oo dab qabsaday

0

118191991 Baghdad

Inta la og yahay 64 qof ayaa ku dhintay inkabadan 67 kalena waa ay ku dhaawacmeen Dab ka kacay Cusbitaal lagu karantiilo dadka uu ku dhaco Cudurka Covid 19.

Cusbitaalka dabka ka kacay ayaa ku yaaalla Magaalada Koonfurta Ciraaq ku taalla Ee Naariya waxaana uu ka dhashay Qarax uu sameeyey Haan ka mid ah kuwa Oksajiinta ah.

Sargaal katirsan Wasaarada Caafimaadka Dalka Ciraaq ayaa sheegay in dadka waxyeelada gaartay badankood ay ahaayeen bukaankii la il darnaa Cudurka Covid 19.

Ra’iisal wasaaraha Dalka Ciraaq Mustafa Al Kadhiimi ayaa sheegay in kulan deg deg ah oo xaalada Dabka Cusbitaalka ka kacay looga arinsanayo ay hadda leeyihiin isaga iyo Wasiirada Qaar Xukuumada.